Shabeellaha Dhexe, Soomaaliya – Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa xilligan galay xaalad dagaal ah, iyadoo ay kusii qulqulayaan ciidamo badan iyo gaadiid dagaal oo ay hoggaaminayaan masuuliyiin sare oo ka tirsan maamulka Hirshabelle.
Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe iyo masuuliyiin hore xilal uga soo qabtay maamulkaasi, sida guddoomiyihii hore ee gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Mayre Makaraan iyo Axmed Faal, ayaa gaaray furimaha dagaalka si ay u dhiirrigeliyaan ciidamada howlgalka ka qeyb qaadanaya.
Howlgallada ayaa si xooggan uga socda qaybo ka mid ah gobolka, gaar ahaan jihooyinka u dhow gobolka Hiiraan, waxaana lagu bartilmaameedsanayaa xoogagga Alshabaab ee weli ku sugan deegaanno ka tirsan gobolka.
Wararka ka imaanaya goobaha dagaalka ayaa sheegaya in xaaladdu ay marba marka ka dambeysa kasii darayso, iyadoo uu socdo abaabul ballaaran oo lagu doonayo in Alshabaab looga saaro dhammaan deegaannada ay horay u qabsadeen.
Guddoomiyihii hore ee gobolka Shabeellaha Dhexe, Axmed Mayre Makaraan, ayaa ciidamada kula dardaarmay in ay iska ilaabaan khilaafaadka iyo aanooyinka dhexda yaalla, ayna midnimo iyo isku duubni ku wajahaan dagaalka lagula jiro Alshabaab.
Howlgalka socda ayaa noqonaya mid kamid ah dadaallada ugu xooggan ee dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedka Hirshabelle ay ku doonayaan in Alshabaab looga sifeeyo gobolka Shabeellaha Dhexe.




