Gogashii Mucaaradka iyo Dowladda oo lagu kala tagay

0

Muqdisho — Shir u dhexeeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Golaha Mustaqbalka ayaa maanta lagu kala tagay iyadoo aan wax heshiis ah laga gaarin, sida ay xaqiijiyeen xubno ka tirsan Golaha.

Kulanka oo ahaa mid looga hadlayay xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa labada dhinac isku mari waayeen arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin nooca doorashada ee dalka laga qabanayo iyo wax ka beddelka dastuurka.

sida uu mid ka mid ah xubnaha Golaha u xaqiijiyay Shabelle kulanka uu ku dhammaaday jawi aan xal laga gaarin qodobadii miiska saarnaa, iyadoo dhinacyadu kala tageen iyaga oo aan soo saarin war rasmi ah oo wadajir ah.

Labada dhinac ayaa si gaar ah ugu kala aragti duwanaaday Qaabka doorashooyinka soo socda loo qabanayo,Dalabka mucaaradka ee joojinta wax ka beddelka dastuurka iyo Habka loo maareynayo khilaafaadka siyaasadeed ee jira.

Arrimahan ayaa muddo dheer ahaa kuwo muran ka taagnaa masraxasiyaasadda Soomaaliya, iyadoo weli aan la helin aragti mideysan.

Ilaa hadda lama shaacin waqtiga ay labada dhinac dib u bilaabi doonaan wada-hadallada, mana jirto wax war rasmi ah oo ka soo baxay madaxda dowladda ama Golaha Mustaqbalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here