Golaha Amaanka oo ansixiyay howlgal cusub oo ka billaabanaya Soomaaliya

0

NEW YORK (SMN) – Golaha Amniga ee QM ayaa u codeeyay Khamiistii shalay howlgalka cusub ee Midowga Africa kaasoo ka billaaban doono Soomaaliya January 2025 kaasoo bedelaya ATMIS oo waqtigeeda ku eg December 2024.

 

Qaraarka oo soo diyaarisay dowladda Ingiriiska ayaa lagu taageeray codsiga dowladda Soomaaliya ee ah in la dhiso howlgal cusub oo xasilinta dalka ka shaqeeya islamarkaana ka caawiya Ciidanka xoogga in si buuxda mas’uuliyadda amniga dalka ula wareegaan.

Golaha amaanka ayaa ansixiyay in 12,626 askari la geeyo Soomaaliya oo ka shaqeeya waqtiga kala guurka amniga dalka, oo wali ka jirto khatarta Al-Shabaab.

Xafiiska QM ee Soomaaliya ayaa lagu amray inuu dhanka loojistikada ka taageero howlgalka cusub oo dowlada Masar ay qeyb ka noqonayso, iyadoo la filayo inay dalka keento ciidamo buuxinaya booska askarta Itoobiya ee baxaya December 2024.

Arin dhaqaalaha ku baxaya howlgalka cusub ayaan wali go’aan laga gaarin cida bixin doonta waxaana la filayaa in Gollaha amaanka shir ka yeesho bisha 15ka bisha November ee sanadkan.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in iyada ay leedahaya go’aanka dalalka ka qeybgalaya howlgalka soo socda ee Midowga Africa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here