NEW YORK (SMN) – Golaha Ammaanka ayaa isugu imaan doona kulan ku saabsan xaaladda Soomaaliya. Xubnaha la filayo in warbixin kooban ka siiyaan Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Catriona Laing iyo Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika Mohamed El-Amine Souef oo sidoo kale ah madaxa ATMIS.
Laing waxaa si gaar ah uga warbixin doontaa fulinta arrimaha mudnaanta u leh dowladda Soomaaliya, sida horumarinta dib u heshiisiinta qaranka, xoojinta nidaamka federaalka, wanaajinta xiriirka dowladda iyo Maamul goboleedyada, xoojinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, dhameystirka hannaanka dib u eegista dastuurka iyo dib u habeynta garsoorka iyo wax ka qabashada xaaladaha bani’aadanimo.
Waxaa Laing la filayaa inay u iftiimiso Gollaha qaar ka mid ah go’aannadii kasoo baxay shirkii ugu dambeeyay ee golaha wadatashiga qaran — oo ay isugu yimaadeen madaxda dowladda federaalka iyo Maamulada 26-kii iyo 27-kii Agoosto. War murtiyeed laga soo saaray kulanka kadib ayaa goluhu waxa ay ku go’aamiyeen in la mideeyo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo si wada jir ah loo fulinayo diyaar garowga wejiga labaad ee laga sameynayo Jubbaland, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.
Dhankiisa, Maxamed Anadiif Souef ayaa ka hadli doono warqaddii dowladda Soomaaliya 19kii Sebtember u dirtay Madaxweynaha Golaha Ammaanka, taasoo ay ku dalbatay in muddo saddex bilood ah la hakiyo farsamo ahaan dhimista 3,000 oo askari oo ATMIS ah, taasoo lagu waday inay dhacdo 30ka Sebtembar.
Warqadda ayaa lagu sheegay in ciidamada Soomaaliya ay la kulmeen dib u dhac weyn oo la xiriira weerar 26-kii August ay Al-Shabaab ku qaadeen saldhiga Cawsweyne, ee gobolka Galguduud ayna Ciidanka xoogga dib uga gurteen magaalooyin dhowr ah oo ay dhawaan qabsadeen.