NEW YORK (SMN) – Gollaha Amaanka ee QM ayaa ansixiyay qaraar cusub oo mudo-kordhin 6 bilood ah loogu sameeyay Ciidamada Midowga Afrika ee jooga Soomaaliya, xili la filayay inay dalka ka baxaan 3,000 oo askari dhamaadka bishii September ee sanadkan.
Illaa 30-ka June ayaa dib loo dhigay dhimista Ciidanka ATMIS, waxaana 15-ka dowladood ee Gollaha Amaanka ogolaadeen in dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika ay 17,626 askari ay geeyaan Soomaaliya ilaa 31-ka Diseembar, 2023 si ay uga qeybgalaan wajiga 2aad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Qaraarka tirsigiisu yahay 2710 ayaa ugu baaqaya dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo Midowga Afrika in ay sameeyaan qiimeyn farsamo oo wadajir ah ugu dambeyn 31-ka Maarso, 2024, si loo qiimeeyo wejiga 2-aad ee dhimista ATMIS, si looga hortago in saldhigyada askarta Midowga Afrika ka baxaan inuu gacanta u galo Al-Shabaab.
Go’aanka Gollaha amniga ayaa yimid kadib codsi dowladda Soomaaliya u gudbisay bishii September, oo ku dalbatay in hakad la geliyo qaadista Ciidanka ATMIS, si ay ugu diyaar garowdo buuxinta iyo la wareegista goobaha ay ka baxayaan.
Weerarkii Cowsweyne ayaa sababay in dib u dhac ku yimaado howlgallada militeri, waxaana la filayaa in dhawaan sida dowlada balan-qaadey la billaabo wajiga labaad oo ka dhici doono Jubaland iyo Koonfur Galbeed, iyadoo dhanka Galmudug wali howlgal ka socdo.