Golaha Ammaanka oo ansixinayo howlgalka ATMIS ee Soomaaliya

0

MUQDISHO (SMN) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa la filayaa kulankooda maanta 30-ka Maarso, inuu ku ansixiyo waajibaadka iyo oggolaanshaha howlgalka ATMIS.

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa lagu bedelayaa howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) 1-da Abriil, sida ay go’aamiyeen Midowga Afrika (AU), Qaramada Midoobay (UN) iyo dowladda Soomaaliya.

Howlgalka cusub ayaa dhammaan doona sanadka 2024-ka, iyadoo wixii ka dambeeyana dhammaan mas’uuliyadda lagu wareejin doono ciidamada ammaanka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa dooneysa in ATMIS uu xoogga saaro hirgelinta Qorshaha kala guurka ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here