NEW YORK (SMN) – Dowladaha Golaha amaanka oo 15 xubnood ka kooban ayaa Maanta shir gaar ah ka yeelanaya howlgalka QM ee Soomaaliya oo waqtigiisa dhamaanayo bishan, xili dalka isku diyaarinayo doorasho qof iyo cod ah.
Kulanka Golaha amaanka ayaa lagu ansixin doonaa qaraar cusub oo mudo kordhin 2 sano ah loogu sameynayo howlgalka UNSOM, taasoo ka billaabanaysa 1da November 2024.
Dowladda Soomaaliya ayaa bishii May ee sanadkan ka laabatay dalabkeedii ahaa in la xiro xafiiska UNSOM, iyadoo ogolaatay in gudi wadajir ah loo sameeyo xiliga kala guurka, oo loogu bedelayo mid ka shaqeeya arrimaha gargaarka halka markii hore siyaasadda ku lug lahaa.
Xafiiska UNSOM ayaa waxaa 2013 aas-aasay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay si uu mas’uuliyiinta Soomaaliya uga taageero u gudubka dimoqraadiyadda iyo dowlad dhiska ka dib in ka badan 30 sano badan oo dalka ka jireen dagaalo sokeeye iyo qalaalo siyaasadeed.
Tan iyo markii uu hawgalkan bilowday, waxa ay gacan ka geysteen hannaanka federaalaynta Soomaaliya,. Waxa kale oo ay kaalin ku leeyihiin dawlad dhiska, amniga iyo dib u soo kabashada dhaqaalaha.