Golaha KMG ah ee Koonfurta Yemen (STC) oo Is-Kala Diray Ka Hor Wadahadallada Riyadh

0

SANCA, Yemen — Golaha KMG ah ee Koonfurta Yemen (Southern Transitional Council – STC) ayaa Jimcihii ku dhawaaqay inuu s-kala dirayi, isla markaana laalay dhammaan hay’adihiisa waaweyn iyo kuwa hoosaadka ah, sidoo kalena xiray xafiisyadii uu ku lahaa gudaha iyo dibadda dalka, sida ay sheegtay wakaaladda wararka dowladda Yemen ee Saba Net.

Bayaan uu goluhu soo saaray, oo ay baahisay Saba Net, ayaa lagu sheegay in go’aankan lagu gaaray u diyaargarowga ka-qaybgalka shir wadatashi qaran oo koonfurta Yemen ah, kaas oo lagu wado in lagu qabto magaalada Riyadh, isla markaana uu martigelinayo Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Golaha STC ayaa qirtay inuu ku guuldarreystay gaarista himilooyinkii loo aas-aasay, wuxuuna caddeeyay inuusan wax door ah ku lahayn go’aankii lagu bilaabay howlgallada militari ee ka dhacay gobollada bari ee Xadramowt iyo Al-Mahra, kuwaas oo uu sheegay inay waxyeello u geysteen waxa uu ugu yeeray “arrinta koonfurta.”

STC ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta iyo hoggaamiyeyaasha koonfurta Yemen inay si buuxda uga qaybqaataan geeddi-socodka wadahadallada, isagoo muujiyay rajada ah in shirka Riyadh uu horseedi doono aragti cad oo lagu xallinayo arrinta koonfurta Yemen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here