Mogadishu – Golaha Mustaqbalka, oo ah madal siyaasadeed oo ay ku mideysan yihiin qaar ka mid ah mucaaradka iyo madaxda maamul goboleedyada sida Puntland iyo Jubaland, ayaa goordhow gaaray Villa Somalia si ay uga qeyb galaan shir balaaran oo ay dowladda federaalka ku baaqday, kaas oo looga hadlayo arrimaha siyaasadda ee dalka.
Shirkan ayaa lagu wadaa in lagu qabto Villa Somalia iyadoo ay dowladdu isku dayayso in laga heshiisiiyo khilaafaadka siyaasadeed ee dalka ka taagan, gaar ahaan dib-u habeynta doorashooyinka iyo doodda ku saabsan wax ka beddelka Dastuurka Ku Meel Gaarka ah.
Kulanka ayaa imaanaya xilli ay jiraan muranno xoogan oo u dhexeeya dowladda dhexe iyo qaar ka mid ah maamulka goboleedyada, kuwaas oo hore uga cawday habraacyada doorashada iyo fal-dhaqanka Villa Somalia,
Sidoo kale, siyaasiyiinta qaar ayaa hore uga digay in shirku uu caqabad ku noqdo wadahadalada haddii aan saldhig loo helin wada-tashi buuxa oo u dhexeeya dhammaan dhinacyada siyaasadda, taas oo muhiim u ah hanaanka doorashooyinka soo socda.
Sido xubno ka tirsan masuuliyin ku shiraysa madaxtooyada qaranka Shabelle u xaqiijiyey ajandaha shirku ayaa diiradda lagu saari doonaan sidii loo heli lahaa heshiis siyaasadeed oo ku saabsan doorashooyinka soo socda wallow uu muranka wali uu ka taaganyahay dib-u eegista dastuurkaKu Meel Gaarka ah.



