Muqdisho – Golaha Mustaqbalka ayaa war-saxaafadeed kasoo saaray shirka uga socda magaalada Muqdisho, iyagoo ku dhawaaqay in ay fidinayaan “Gogol Soomaaliyeed” oo loogu baaqayo wada-hadal iyo isu-tanaasul qaran.
Goluhu wuxuu sheegay in gogoshan ay tahay mid loo dhan yahay, laguna casuumayo dhammaan dhinacyada siyaasadda, bulshada rayidka, aqoonyahannada, iyo hoggaanka dhaqanka si looga wada tashado mustaqbalka dalka. Ujeeddada gogosha ayaa lagu sheegay xoojinta midnimada, xal u helidda khilaafaadka jira, iyo in la abuuro hannaan wadatashi oo waara.
War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu adkeeyey muhiimadda ay leedahay in laga fogaado tallaabo kasta oo sii hurin karta kala aragti duwanaanshaha, islamarkaana la hormariyo danaha guud ee qaranka.
Golaha Mustaqbalka ayaa ugu baaqay dhammaan saamileyda siyaasadeed in ay ka faa’iideystaan fursaddan si loo gaaro heshiis iyo is-afgarad ku dhisan wadajir iyo kalsooni.





