Muqdisho – War-saxaafadeed ka soo baxay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in goluhu aad uga xun yahay in wadaxaajoodkii uu la lahaa Dowladda Federaalka Soomaaliya uu ku soo dhammaaday natiijo la’aan.
Golaha Mustaqbalka ayaa caddeeyay in shirarkii iyo wada-hadalladii u socday ay ahaayeen kuwo lagu doonayay in lagu xalliyo arrimo siyaasadeed oo muhiim u ah mustaqbalka dalka, balse aysan suuragelin in la gaaro is-afgarad kama dambeys ah.
“Golaha Mustaqbalka wuxuu ka xunyahay in wadaxaajoodkii uu kula jiray Dowladda uu ku soo dhammaado natiijo la’aan,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Goluhu wuxuu tilmaamay in uu weli u taagan yahay wadahadal, isla markaana uu diyaar u yahay dadaal kasta oo horseedi kara xal waara oo ku dhisan is-ixtiraam, wada-tashi iyo ilaalinta danaha shacabka Soomaaliyeed.
Ugu dambeyn, Golaha Mustaqbalka ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada siyaasadda inay muujiyaan tanaasul iyo masuuliyad si looga gudbo caqabadaha jira, loona xaqiijiyo xasillooni iyo horumar waara.






