Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo Nairobi Kulan kula Qaatay Wakiillada Beesha Caalamka

0

Nairobi – Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa magaalada Nairobi kulan kula yeeshay wakiillo ka socday Beesha Caalamka, kuwaas oo isugu jiray Safiirrada Qaramada Midoobay, Midowga Yurub (EU), Boqortooyada Ingiriiska (UK) iyo Mareykanka (USA).

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan marxaladda xasaasiga ah ee siyaasadeed ee uu dalka marayo, iyadoo si gaar ah looga wada hadlay sidii xal degdeg ah looga gaari lahaa arrimaha la xiriira Dastuurka iyo geeddi-socodka Doorashooyinka.

Kulankan Nairobi ka dhacay ayaa yimid kaddib shir ay hore isugu yimaadeen xubno mucaarad ah iyo qaar ka mid ah madaxda dowlad-goboleedyada Jubbaland iyo Puntland, kuwaas oo ku mideysan madasha Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, isla markaana ka wada tashanayay jihada siyaasadeed ee dalka iyo khilaafaadka taagan.

Dhanka kale, Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) ayaa isna kulan gaar ah yeeshay, kaas oo diiradda lagu saaray midnimada dalka, kuna qabsoomay hab fogaan-arag ah, iyadoo uu guddoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale, dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku baaqday shir guud oo la filayo inuu qabsoomo bisha soo socota, kaas oo ay isugu iman doonaan mucaaradka iyo maamulada siyaasadda dowladda tabanaya. Shirkaas ayaa lagu wadaa in si qoto dheer looga arrinsado qodobada khilaafku ka taagan yahay, kuwaas oo ay ka mid yihiin hannaan doorashooyinka uu dalka u jihaysanayo.

Kulammadan isdaba-joogga ah ayaa muujinaya dadaallada socda ee lagu raadinayo is-afgarad siyaasadeed iyo xal waara oo laga gaaro khilaafaadka siyaasadeed ee ka taagan dalka.

May be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more peopleMay be an image of one or more people and suitMay be an image of one or more people and suit

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here