Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo cambaareeyay is hortaagii lagu sameeyay Madaxdii hore ee Qaranka.

0

MUQDISHO – Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si adag u cambaareeyay is hortaagii ay ciidamada ammaanku ku sameeyeen madaxdii hore ee Qaranka, sida lagu sheegay war-saxaafadeed rasmi ah oo kasoo baxay golaha.

 

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in goluhu uu falkaasi u arko mid ka hor imaanaya dastuurka iyo xeerarka dalka u yaalla, isla markaana dhaawacaya karaamada iyo xuquuqda masuuliyiintii hore ee Qaranka. Golaha ayaa tilmaamay in madaxdii hore ay leeyihiin xasaanad iyo tixgelin gaar ah oo waafaqsan sharciga, ayna habboon tahay in loo ilaaliyo si waafaqsan nidaamka dowladnimo.

Goluhu wuxuu ugu baaqay hay’adaha amniga inay dhowraan sharciga iyo nidaamka, kana fogaadaan tallaabo kasta oo keeni karta xiisad siyaasadeed ama jahawareer bulsho. Sidoo kale, wuxuu ugu baaqay madaxda dowladda inay caddeeyaan sababaha ka dambeeyay tallaabadaasi, isla markaana la hubiyo in aanay mar kale dhicin falal la mid ah.

Ugu dambeyn, Goluhu wuxuu ku adkeeyay dhammaan dhinacyada inay muujiyaan dulqaad, wada hadal iyo is ixtiraam si loo ilaaliyo midnimada iyo xasilloonida dalka.

May be an image of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here