Muqdisho — Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo deegaan ahaan ka soo jeeda Puntland ayaa diyaaradii ay la socdeen lagu soo celiyay magaalada muqdisho xilli ay kusii jeedeen magaalada Garoowe.
War-saxaafadeed ka soo baxay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay:
In Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu si adag u cambaareynayaa go’aanka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ee lagu amray in hawada laga soo celiyo diyaarad siday xubno ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ka soo jeeda Puntland.”
Goluhu wuxuu intaas ku daray in tallaabadaasi ay dhaawacayso wada-shaqeynta hay’adaha dowladda iyo kalsoonida siyaasadeed, isagoo ugu baaqay madaxda qaranka in ay ilaaliyaan dastuurka iyo xuquuqda wakiillada shacabka.
Ugu dambeyn, xildhibaanada iyo Golaha ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo caddeeyo sababaha rasmiga ah ee ka dambeeyay go’aankaasi, isla markaana laga fogaado tallaabo kasta oo sii hurin karta xiisad siyaasadeed.




