MUQDISHO – Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si adag u canbaareeyay tallaabada ay Dowladda Federaalka Soomaaliya hawada kaga xannibtay duulimaadyadii siday wufuudda iyo ilaalada madaxda maamul-goboleedyada Jubaland iyo Puntland.
War-saxaafadeed kasoo baxay golaha, oo ah madal ay ku mideysan yihiin madaxweynayaal iyo ra’iisul wasaareyaal hore, ayaa lagu sheegay in tallaabadan ay tahay xadgudub ka dhan ah habraacyada dowladnimo, wada-shaqeynta federaalka iyo kalsoonida siyaasadeed ee u dhaxeysa Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada.
Goluhu wuxuu xusay in hawada laga celiyo diyaarado siday wufuud rasmi ah iyo ilaalada madaxda dowlad-goboleedyada, gaar ahaan Puntland iyo Jubaland, ay abuureyso xiisad siyaasadeed iyo xaalad amni oo khatar ah, isla markaana ay dhaawaceyso dadaallada lagu doonayo wadahadal iyo is-afgarad qaran.


![Lafta-Gareen oo la kulmay Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed [Sawirro]](https://shabellemedia.com/wp-content/uploads/2026/03/654262526_1519712886386424_7795626822133746026_n-150x150.jpg)

