Muqdisho – Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si cad uga soo horjeestay isku day kasta oo lagu kordhinayo muddada xilheynta Baarlamaanka Federaalka iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, wixii ka dambeeya xilliyada uu qeexayo Dastuurka Ku-Meel-Gaarka ah ee 2012.
War-saxaafadeed kasoo baxay golaha ayaa lagu sheegay in sida uu dastuurku dhigayo, muddada xilka muddada xilheynta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay ku egyahay 14-ka Abriil 2026, halka muddada xilhaynta Hassan Sheikh Mohamud ay ku dhammaaneyso 15-ka May 2026.
Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa sheegay inuu markale xaqiijinayo inuu si buuxda ugu hoggaansan yahay Dastuurka Ku-Meel-Gaarka ah ee 2012, kaas oo nidaamiya muddada xilka hay’adaha dowladda ee hadda jira, isla markaana ah dastuurka lagu dhaariyo Madaxweynaha iyo xubnaha labada Aqal ee Baarlamaanka.
Goluhu wuxuu xusay in Soomaaliya horey u soo martay cawaaqib xumo ka dhalatay isku day muddo-kororsi ah, isagoo tusaale u soo qaatay khilaafkii siyaasadeed ee ka dhashay sanadkii 2021, kaas oo sababay in ciidamada ammaanka ay isku hor yimaadaan magaalada Mogadishu, isla markaana dalka geliyay xaalad amni iyo siyaasadeed oo khatar ah.
Sidaas darteed, goluhu wuxuu ugu baaqay madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay ka waantoobaan muddo-kororsi kasta, kana fogaadaan tallaabo kasta oo horseedi karta xiisad siyaasadeed iyo mid amni, taas oo dhaawici karta xasilloonida dalka iyo geeddi-socodka dowlad-dhiska.
Sidoo kale, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay Dowlad-Goboleedyada Federaalka ee muddada dhaafka ah inay qabtaan doorashooyinkooda si waafaqsan dastuuradooda iyo mabaadi’da federaalka ee ku xusan Dastuurka Federaalka, kaas oo dhigaya in Soomaaliya ay leedahay laba heer dowladeed: heer federaal iyo heer dowlad-goboleed.




