Addis Ababa, January 2026 — Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (AU PSC) ayaa si adag u cambaareeyay tallaabadii ay Isra’iil ku aqoonsatay maamulka Somaliland, iyadoo ka dhacday kulankii Wasiirrada ee 1324-aad ee Golaha Nabadda iyo Ammaanka.
Goluhu waxa uu ku adkeystay bayaan degdeg ah in tallaabadaasi ahayd mid hal dhinac ah, isla markaana ay ka soo horjeedo mabaadi’da aasaasiga ah ee Midowga Afrika iyo sharciga caalamiga. Waxa uu Golaha ku xusay in aqoonsi kasta oo laga bixiyo hab-dhaqan madax-bannaan, midnimo, iyo xuduudo ay tahay inuu waafaqsan yahay qodobada Axdiga Aasaasiga ee Midowga Afrika, Hab-raaca Golaha Nabadda iyo Ammaanka, iyo Axdiga Qaramada Midoobay.
Goluhu waxa uu dib u adkeeyay taageeradiisa buuxda ee madax-bannaanida, midnimada, wadajirka dhuleed, iyo xasilloonida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isaga oo ku boorriyay dhammaan daneeyayaasha caalamiga ah inay ixtiraamaan xuduudaha iyo dhismaha dawladaha xubnaha ka ah Midowga Afrika.
Sidoo kale, Golaha ayaa carrabka ku adkeeyay in aysan jirin cid ama hay’ad leh awood sharci ah oo ay ku beddesho qaab-dhismeedka dhuleed ee dal xubin ka ah Midowga Afrika, iyadoo ku sifeeyay bayaanada noocaas ah kuwo aan sal iyo bar lahayn marka loo eego sharciga caalamiga.
Bayaan-ka ayaa ugu dambeyn lagu adkeeyay in Midowga Afrika uu sii wadi doono la shaqaynta beesha caalamka si loo xoojiyo xasilloonida, wadajirka, iyo ixtiraamka nidaamka caalamiga ah ee dawladnimo.







