Muqdisho – Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii 32-aad ee kalfadhiga 7-aad ku yeeshay xarunta Golaha, waxaana shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenka Labaad, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.
Kulanka ayaa ka furmay kooramo dhan 145-xildhibaan, waxaana xildhibaanadu sedaxaad mar akhriyeen Hindise Sharciyeedka Amniga Saybarka, ka dib markii uu hore u soo maray akhrinta koowaad iyo labaad. Cod-bixinta Hindise Sharciyeedkan ayaa muujisay ogolaansho ballaaran: 144-xildhibaan ayaa ansixiyey, hal xildhibaan ayaa diiday, wax ka aamusayna ma jirin.
Sidoo kale, xildhibaanadu waxay akhrinta labaad ka doodeen Hindise Sharciyeedka Sharciga Dhismaha Hay’adda Qaran ee Maareynta Deegaanka, iyaga oo muhiimadda uu dalka u leeyahay ka dooday. Guddoomiyaha Golaha ayaa faray guddiga ku shaqada leh Hindise Sharciyeedkan inay diyaariyaan akhrinta sedaxaad oo dib loogu soo celiyo Golaha.
Ugu dambeyntiina, xildhibaanada waxaa loo qeybiyey warbixinta akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Macmiilka Danabeysan.




