MUQDISHO (SMN) – Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Cabdullahi Cumar Abshirow, ayaa maanta shir guddoomiyay Kalfadhiga Seddaxaad Kulankiisa 19-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Waxaana soo xaadirtay 142 Xildhibaan.
Ajandaha kulanka oo ahaa
1.Warbixinta Akhrinta 3aad iyo U Codeynta Hindise-Sharciyedka Hant-dhowrka Qaranka.
2.Qeybinta Akhrinta 2aad ee Hindise-Sharciyeedka Howlgabka iyo Liiltirka Shaqaalaha Rayidka Dowladda.
Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda Mudane Xil.Maxamed Faarax Nuux ayaa xildhinaanada u akhriyay akhrinta 3aad Hindise-Sharciyedka Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka waxa uuna sheegay in ay ku soo biiriyeen talooyinka iyo turxaanbixinta ay xildhibaanada ay soo jeediyeen Akhrinta 2aad ee Hindise-Sharciyedka Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka Sidaasi darteedna uu ka codsaday in ay u codeeyan Sharcigaan oo muhiim u ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed baahi weeyna loo qabo.
Intaasi kadib waxaa la guda_galay u codeynta Hindise-Sharciyeedka Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka Waxaana Haa ugu codeysay 135 Xildhibaan Waxaana diiday 3 Xildhibaan Waxaana ka aamustay 4 Xildhibaan.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iiman Cige iyo Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda Mudane Xil.Maxamed Faarax Nuux
Ayaa u mahadceliyay Guddoonka iyo Xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS kadib anisxinta Hindise-Sharciyeedka Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka
Gabgabadii iyo Gunnaanadkii waxaa Shirka Soo Xiray Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Cabdullahi Cumar Abshirow.
DHAMAAD