MUQDISHO (SMN) – Golaha Wadatashiga Qaran ayaa soo gabagabeeyay shirkii uga socday Muqdisho, kaas oo looga hadlayey xaaladda dalka & doorashooyinka.
Golaha ayaa soo saaray war-murtiyeed ka kooban 18 qodob oo khuseeya hufnaanta iyo jadwaleynta xilliga ay soo dhammaaneyso doorashada.
Qodobada lasoo saaray ayaa waxaa ugu muhiimsan in doorashada Golaha Shacabka lagu soo gabagabeeyo muddo 40 cisho ah iyo AMISOM inay xoojiso amniga Villa Soomaaliya.