Golaha wakiilada maamulka Somaliland oo maanta yeeshay guddoon cusub

0

HARGEYSA (SMN) – Xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland ayaa maanta Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon u doortay inuu noqdo guddoomiyaha cusub ee golahaaasi, kadib doorasho ka dhacday magaalada Hargeysa.

 

Xildhibaan Yaasiin Faratoon ayaa waxa uu helay 46 cod, halka musharrax Maxamed Khadar oo la tartamayay uu isna helayu 35 cod.

Guddoomiyaha cusub ayaa beddalaya, Cabdirasaaq Khaliif oo iska casilay xilkaas, kana soo baxay Somaliland, sababo la xiriira dagaalka ka socda magaalada Laascaanod,

Si kastaba, Faratoon ayaa ka tirsan xisbiyga Kulmiye, wuxuuna sidoo kale saaxib la yahay madaxweyne Biixi, isaga oo horay u soo noqday wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here