GAROOWE (SMN) – Xildhibaanada Golaha Wakiillada Puntland, ayaa maanta cod aqlabiyad leh waxa ay ku meel-mariyeen ansixinta wax ka beddalka dastuurka maamulkaasi, kadib kulan ay ku yeesheen gudaha magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.
Waxaa oggol ugu codeeyay 54 mudane, waxaa diiday 6 xildhibaan, mana jirin cid ka aamustay, sida uu shaaciyay guddoonka Golaha Wakiilada.
Fadhiga waxaa goobjoog ka ahaa, isla-markaana soo xaadiray ilaa 60 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Puntland.
Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa dood adag ay ka taagneyd furista dastuurka Puntland, waxaana si weyn isugu qabtay mucaaradka iyo madaxweyne Deni.