GAROOWE (SMN) – Xildhibaanada Golaha Wakiilada Puntland ayaa maanta go’aan ka gaaray wax ka beddalka Dastuurka maamulkaas, kadib kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.
Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa shir gudoomiyay guddoomiya golaha Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan ku-xigeenada 1-aad iyo 2-aad, waxaana sidoo kale soo xaadiray 35 mudane oo ka tirsan baarlamaan goboleedka Puntland
Ajendaha kulanka ayaa ahaa soo jeedinta wax beddalka Dastuurka Puntland oo ay golaha u soo gudbiyeen guddiga gaarka ah ee falanqeynta wax-ka-bedelka Dastuurka
Dood dheer kadib ayaa waxaa ajendahan ogol ugu codeeyay 34 mudane, waxaa diiday 1 mudane, mana jirin cid ka aamustay, sidaasna waxaa ansax ku noqday soo jeedinta wax ka beddelka Dastuurka Puntland, ayada oo dhanka kale ay weli diidan yihiin mucaaradka.
Tallaabadan ayaa uga sii dareysa xiisadda ka taagan Garoowe oo haatan dagaal isku rogtay, kadib markii ay maantra isku dhaceen ciidanka ammaanka iyo kuwa mucaaradka ee ku sugan gudaha magaaladaasi.