Golaha wakiilada Puntland oo sameystay muddo kororsi hal sano ah + Sawirro

0

GAROOWE (SMN) – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Maamulka Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cismaan iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 12-aad ee Kalfadhiga 53-aad Golaha Wakiillada Puntland.

 

Ugu horeyn, waxaa Goluhu isla qaatay in fadhigu sii socdo inta laga dhammaystirayo ajandayaasha Golaha horyaal.

Intaas kadib, waxaa Golaha loo qeybiyey go’aanka Guddiga SSC-Khaatuma ee Xalinta Khilaafka Siyaasadeed ee Puntland, kaasi oo ay ku sameysteen muddo kororsi hal sano ah, waxaana Goluhu cod aqlabiyad ah ku ansixiyey go’aankaas oo kala ahaa:

  1. In la ilaaliyo nabadgalyada iyo xalisoonida Puntland, cidwalibana ka qaadato kaalinta kaga aaddan.
  2. In doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka lagu qabto waqtigeedii sida caadada u ahayd Puntland 08-01-2024
  3. In Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka ay doortaan baarlamaanka 5-aad ee Puntland ee hadda jira.
  4. In Baarlamaanka Puntland ee hadda jira ee muddo xileedkoodu ku eeg yahay 31-12-2023 dib loo dhigo doorashadooda muddo 12 bilood ah.
  5. Xukuummadda Puntland ee la doorto, guddiga doorashooyinka Puntland iyo Xisbiyadda siyaasadeed waa in diyaariyaan doorashada Baarlamaanka ee qof iyo cod muddo 12 bilood gudahood ah.
  6. Guddiga doorashooyinka Puntland waa inay dhammaystiraan doorashooyinkii golayaasha deegaannada ee degmooyinkii hadhsanaaa.

Dhinaca kale waxaa haatan Garoowe ka socda shir xasaasi ah oo u dhexeeyo madaxweyne u xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo xildhibaanada laga soo doorto maamulka SSC, kaas oo looga hadlayo arrimaha soo kordhay.

Wararka ayaa sheegaya in Kulankan diirada lagu saarayo xaaladda siyaasadeed ee wakhtigan taagan balse faahfaahin intaas ka badan lagama hayo.

Si kastaba, tallaabada ay maanta qaadeen xildhibaanada baarlamaanka Puntland ayaa weji kale u yeeleysa xiisadda siyaasadeed ee ka taagan magaalada Garoowe , waxaana sidoo kale laga war sugayaa go’aanka madaxweynaha iyo xubnaha mucaaradka ah ee ku aadan arrimaha soo kordhay, kadib muddo kororsiga uu sameystay baarlamaanka Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here