Golaha Wasiirada Soomaaliya oo qaaday tallaabo ka dhan ah Axmed Madoobe

0

MUQDISHO (SMN) – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa guddi u saaray inuu baaris ku sameeyo nooca xiriir ee ka dhexeeya eedaysane Axmed Madoobe iyo kooxaha Khawaarijta ah, falkii uu ku weeraray deegaanka Raaskambooni oo ay ka dhalan doonto isla-xisaabtan iyo ciqaab.

 

Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdirxamaan Yuusuf (Al-caddaala) ayaa ka warbixiyey qodobada ay goluhu soo saareen ayaa sheegay in ciidamada weerarka ku qaaday Raaskambooni ay soo dhex-mareen Al-Shabaab.

Dhinaca kale Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha  ee magacaabista Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, in uu noqdo Mudane Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here