MUQDISHO (SMN) – Golaha Wasiirrada XFS ayaa ansixiyey heshiis ku saabsan difaaca iyo dhaqaalaha oo ay dowladda Federaalka Soomaaliya la gashay dowladda Turkiga.
Shirka Golaha wasiirada oo uu guddoomiyey Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa goluhu ku ansixiyey heshiiskaas oo uu dhawaan dowladda Soomaaliyeed u saxiixay Wasiirka difaaca dalka, Cabdulqaadir Maxamed Nuur.
Ra’iisul Wasaaraha oo kulanka ka hadlay ayaa ku tilmaamay heshiiska mid masiiri ah oo dhaxagal u ah ummadda Soomaaliyeed – waxaana uu ka hadlay ahmiyadda heshiiska u leeyahay dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa 8-dii bishan heshiis ku qotoma Difaaca iyo Dhaqaalaha la saxiixatay Dowladda Turkiga, iyadoo heshiiskaas ay kala saxiixdeen Wasiirrada Gaashaandhigga labada dal.
Heshiiskan ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah, ayna taagan tahay xiisadda badda ee ka dhalatay heshiiska ay wada gaareen maamulka Somaliland iyo dowladda Itoobiya.