Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Sharciga Ciqaabta iyo Hay’adda Maareynta Deegaanka

0

MUQDISHO, Soomaaliya — Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Khamiis, 4-ta Diseembar 2025, ku ansixiyay shuruuc iyo heshiisyo muhiim u ah horumarinta dalka, kulankoodii toddobaadlaha ahaa ee maanta.

 

Shirka oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa lagu meel mariyay Sharciga Ciqaabta Soomaaliyeed, kadib la-tashiyo balaaran oo lala yeeshay culumada, bulshada rayidka ah, iyo khubaro sharci, iyadoo la waafajiyay Diinta Islaamka, Dastuurka dalka, iyo xeerarka caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha.

Golaha ayaa sidoo kale si qoto dheer uga dooday Hindise Sharciyeedka dhismaha Hay’adda Qaran ee Maareynta Deegaanka, oo markii ugu horeysay Soomaaliya yeelanayso, xilli ay sii kordhayso cimilada daran iyo xaalufka deegaanka.

Shuruucda iyo heshiisyada ay goluhu ansixiyeen waxaa ka mid ah:

  1. Heshiis Is-afgarad oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Aljeeriya, kaasoo ku saabsan iskaashiga batroolka, gaaska, iyo macdanta.
  2. Hindise Sharciyeedka dhismaha Hay’adda Qaran ee Maareynta Deegaanka.
  3. Hindise Sharciyeedka Sharciga Ciqaabta Soomaaliya.
  4. Axdiga Caalamiga ah ee Baadi-goobka iyo Samatabixinta Badda (SAR 1979).
  5. Axdiyada Geneva ee 12 August 1949 (Additional Protocols).

Intaa kadib, goluhu wuxuu dhagaystay warbixino ku saabsan horumarka amniga iyo arrimaha doorashooyinka, halkaasoo Ra’iisul Wasaaraha uu faray in la dardar-geliyo hawlaha dhexdhexaadinta iyo nabadeynta colaadaha beelaha ee ka jira qeybo ka mid ah dalka, iyadoo hawshan si gaar ah loogu xilsaaray Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here