Golaha Wasiirrada oo ansixiyey darajooyinka Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo shuruuc kale oo muhiim ah

0

Muqdisho – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, kaas oo uu guddoomiyey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka, Mudane Saalax Axmed Jaamac.

 

Kulanka ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo muhiim u ah dowladnimada iyo horumarka dalka, waxaana Golaha uga warbixiyey Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, oo faahfaahin ka bixiyey diyaar-garowga doorashooyinka hal qof iyo hal cod ee qorshaysan in dalka laga qabto.

Guddiga ayaa Golaha u soo bandhigay xogta liiska ku-meel gaarka ah ee diiwaan-gelinta codbixiyayaasha gobolka Banaadir, iyagoo sheegay in doorashada Golaha deegaanka ee Muqdisho lagu qaban doono 30-ka bisha Nofeembar 2025.

Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee la xiriirta darajooyinka Degmooyinka Gobolka Banaadir, iyadoo la raacayo sharciga doorashooyinka ee qeexaya habraaca darajooyinka degmooyinka caasimadda.

Darajooyinka cusub ayaa loo kala saaray sidan:

Degmooyinka Darajada (A):

  1. Hodan
  2. Yaaqshiid
  3. Deyniile
  4. Kaaraan
  5. Dharkeenley
  6. Wadajir
  7. Warta-Nabadda
  8. Heliwaa
  9. Howl-wadaag

Degmooyinka Darajada (B):

  1. Waaberi
  2. Shibis
  3. Xamar-jajab
  4. Boondheere
  5. Xamar-weyne
  6. Cabdicasiis
  7. Shangaani

Intaa waxaa dheer, Golaha Wasiirrada ayaa kulanka ku ansixiyey shuruuc iyo heshiisyo muhiim ah oo ay soo diyaariyeen wasaarado kala duwan, kuwaas oo kala ah:

  1. Xeer-nidaamiyaha Machadka Sare ee Daraasaadka Amniga iyo Istaraatiijiyadda Qaranka
  2. Hindise-sharciyeedka Sharciga Booliska Soomaaliyeed
  3. Heshiiska ilaalinta iyo isticmaalka wabiyada xuduudaha dhaafsan iyo harooyinka caalamiga ah
  4. Xeer-nidaamiyaha dhismaha shirkadaha kalluumaysiga Qaranka

Golaha Wasiirradu waxay sheegeen in talaabooyinkan ay qayb ka yihiin xoojinta maamulka dowliga ah, dimuqraadiyeynta nidaamka doorashooyinka, iyo hormarinta adeegyada bulshada ee gobolka Banaadir iyo guud ahaan dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here