Muqdisho – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, kaas oo diiradda lagu saaray xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan amniga iyo abaaraha ba’an ee saameeyay qaybo badan oo ka mid ah bulshada Soomaaliyeed.
Kulanka oo uu shir-guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda, Hamza Abdi Barre, ayaa lagu adkeeyay muhiimadda isku-duwidda gurmadka bani’aadannimo iyo dardargelinta qorsheyaasha wax looga qabanayo saameynta isbeddelka cimilada iyo xaaladaha abaarta.
Golaha ayaa ansixiyay soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee ku saabsan magacaabista Guddoomiyaha Hey’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Soomaaliyeed, waxaana xilkaas loo magacaabay Mudane Liibaan Cabdi Cigaal.
Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa warbixinno ka dhageystay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada iyo Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, kuwaas oo ka hadlay saameynta bacaadka ku yeeshay dalka iyo xaaladda diyaaradaha ka howlgala gudaha Soomaaliya. Waxaa la sheegay in tallaabooyin laga qaaday diyaarado aan buuxin shuruudaha badqabka, isla markaana la magacaabay guddi soo qiimeeya tayada diyaaradaha iyo adeegyada ay bixiyaan, si golaha loogu soo gudbiyo warbixin rasmi ah.
Dhanka kale, Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyay axdiyo caalami ah oo muhiim u ah ilaalinta badaha iyo iskaashiga caalamiga ah, kuwaas oo kala ah,
Axdiga Caalamiga ah ee Asaasidda Sanduuqa Caalamiga ah ee Magdhowga Waxyeelada Wasakhaynta Shidaalka (1992),
Axdiga Caalamiga ah ee Iskaashiga u Diyaargarowga iyo Ka Jawaabista Wasakhowga Saliideed (1990) iyo Axdiga Caalamiga ah ee Xeerarka Kahortagga Isku-dhacyada Badda (1972).
Ugu dambeyn, Golaha ayaa ansixiyay Siyaasadda Qaran ee Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, taas oo hagaysa jihada iyo mudnaanta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo midka horumarineed ee dalka, si loo xaqiijiyo danaha Qaranka.




