MUQDISHO — Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku ansixiyey kulankoodii caadiga ahaa xubnaha cusub ee Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka, kuwaas oo lagu soo xulay hannaan hufan iyo caddaalad leh.
Guddigan oo ka kooban 15 xubnood, waxaa soo gudbisay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, waxaana dhammaantood lagu soo xulay aqoontooda, waayo-aragnimadooda iyo kartidooda ku aaddan horumarinta tacliinta sare ee dalka.
Xubnaha la ansixiyey waxay kala yihiin:
- Dr. Cabdinuur Sheekh Maxamuud – Guddoomiyaha Guddiga
- Dr. Maxamed Cali Faarax – Guddoomiye Ku-xigeen
- Dr. Ayaan Sh. Cabdullaahi Maxamed – Xubin
- Dr. Axmed Aadam Maxamed – Xubin
- Dr. Roble Ibraahim Liibaan – Xubin
- Dr. Cabdulqaadir Cabdulle Cibaar – Xubin
- Dr. Cabdishakuur Sh. Xasan (Fiqi) – Xubin
- Dr. Cabdullaahi Maxamuud Shariif – Xubin
- Dr. Cabdiwahaab Cali Mumin – Xubin
- Dr. Cismaan Maxamed Cabdiraxmaan – Xubin
- Dr. Faysal Cabdiraxmaan Cabdullaahi – Xubin
- Dr. Maxamed Macallin Cabdullaahi Kutub – Xubin
- Dr. Maxamed Ibraahim Nuur – Xubin
- Dr. Maxamuud Yuusuf Garre – Xubin
- Dr. Nadiifa Sheekh Cumar – Xubin
Ajendaha kale ee kulanka Golaha Wasiirrada waxaa ka mid ahaa:
- Dib-u-eegista qaab-dhismeedka hay’adaha dowladda si loo waafajiyo xeerka kala xadaynta awoodaha.
- Warbixinno la xiriira xaaladda amniga iyo howlgallada dib-u-xoreynta ee ka socda gobollo ka mid ah dalka, iyadoo lagu amaanay doorka naf-hurnimo ee ay ciidamada qalabka sida iyo kuwa deegaanka ku leeyihiin hawlahaas.
Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa ammaanay:
Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka oo guulo ka gaartay kor u qaadista iyo tayeynta adeegyada Xajka, taas oo suurtagelisay in Soomaaliya ay kaalmo sare ka gasho dalalka si wanaagsan u maareeyey adeegyada Xajka ee sanadkan.


![Lafta-Gareen oo la kulmay Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed [Sawirro]](https://shabellemedia.com/wp-content/uploads/2026/03/654262526_1519712886386424_7795626822133746026_n-150x150.jpg)

