Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyey Xeer-Nidaamyo iyo Heshiisyo Muhiim ah, Kana Wadahadlay Xaaladda Abaarta

0

Muqdisho — Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, kaas oo lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan xaaladda abaaraha ka jira guud ahaan dalka iyo saameynta ba’an ee ay ku yeesheen helitaanka biyaha iyo cuntada. Xukuumaddu ayaa sheegtay inay qorshaynayso tallaabooyin degdeg ah oo wax looga qabanayo xaaladda taagan.

 

Kulanka, oo uu guddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey Xeer-Nidaamiyaha Sanduuqa Qaran ee Maareynta Khataraha iyo Musiibooyinka. Xeer-nidaamiyahan ayaa dhigaya hannaan sharci iyo maamul oo mideynaya diyaar-garowga, ka-hortagga, iyo wax ka qabashada musiibooyinka dabiiciga ah iyo kuwa bani’aadamka sameeyo, si loo xoojiyo isku-tashiga bulshada iyo dowladda.

Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa meel-mariyey heshiisyo iyo axdiyaal caalami ah oo muhiim u ah horumarinta hey’adaha dowladda iyo tayeynta adeegyada ay bixiyaan. Heshiisyadaas waxaa ka mid ah:

Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Turkiga, kaas oo ku saabsan iskaashi dhinaca gaadiidka badda ah.

Axdiga Shaqaalaha Badda (2006).

Heshiiska Caalamiga ah ee Nairobi ee ka saarista burburka maraakiibta (2007).

Axdiga Caalamiga ah ee cabbirka culeyska maraakiibta (1969).

Dhanka kale, Golaha Wasiirrada ayaa warbixin faahfaahsan ka dhageystay Guddiga Qaran ee La-dagaallanka Tahriibka iyo Ka-ganacsiga Dadka. Warbixinta ayaa lagu iftiimiyey xaaladda tahriibka iyo dhibaatooyinka halista ah ee ay ku hayaan dhallinyarada Soomaaliyeed, kuwaas oo wajahaya khataro naf iyo maalba leh, sida dhimasho, dhaawac, xabsi, tacaddiyo iyo ka faa’iidaysi bani’aadamnimo, arrimahaas oo si toos ah u saameeya mustaqbalka dhallinyarada iyo horumarka dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here