MUQDISHO — Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, kaas oo uu guddoominayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Mudane Saalax Axmed Jaamac.
Intii uu socday kulanka, ayaa goluhu ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Shirkadaha Shaqo-siinta gaarka ah iyo Hindise Sharciyeedka Macdanta, kuwaas oo lagu tilmaamay kuwo muhiim u ah horumarinta dhaqaalaha dalka iyo abuurista fursado shaqo oo gaar ahaan loogu tala galay dhallinyarada Soomaaliyeed.
Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale warbixin ka dhageystay hay’adaha amniga, iyagoo si gaar ah diiradda u saaray dardargelinta howlgallada lagula dagaallamayo kooxaha Khawaarijta ee weli ku sugan qeybo ka mid ah gobollada dalka.
Golaha ayaa ammaanay guulaha muuqda ee ay ciidamada qalabka sida ka gaareen dagaalka lagu ciribtirayo kooxahaasi, iyagoo xusay in howlgalkaasi uu horseeday horumar amni iyo degaan-ballaadhis.
Xukuumadda ayaa mar kale adkeeysay sida ay uga go’an tahay la dagaallanka argagixisada, kobcinta amniga iyo dhiirrigelinta maalgashiga gudaha iyo dibadda si loo gaaro mustaqbal xasilloon oo barwaaqo ah.



