Gollaha Amaanka oo magaca ka bedelay xafiiska QM ee Soomaaliya

0

NEW YORK – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ansixiyay qaraarka loogu beddelayo magaca Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) oo loo bixiyay hadda Hawlgalka Kaalmada Ku-meel-gaarka ah, UNTMIS, iyada oo hannaanka kala-guurka uu bilaabmayo 1 November 2024.

 

Dhamaan 15-ka xubnood ee Gollaha Amaanka ayaa u codeeyay qaraarka, kadib kulana ay ku sheegeen magaaladda New York.

Warqad qoraal ah oo loo qaybiyay Golaha 8-dii May, ayuu Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ku codsaday in la joojiyo shaqada UNSOM marka uu dhammaado waajibaadka shaqo ee xafiiska.

Bishii Oktoobar 2024, dowladda Soomaaliya waxay dirtay warqad kale, taasoo ay ku muujinayso sida ay diyaarka ugu tahay inay kala qayb-gasho daneeyayaasha ay khusayso “diyaarinta geeddi-socod adag ee waqtiga ku-meel-gaar ee UNSOM”.

UNSOM ayaa la aasay aasay 2023, waxaana ujeedka loo dhisay uu ahaa taageerada dhismaha dawlad-goboleedka, geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka iyo dadaallada lagu doonayo in lagu qabto doorashooyin xor iyo xalaal ah. Sidoo kale wuxuu xafiiska siinayay dowladda kaalmo farsamo iyo mid siyaasadeed, iyo fududaynta wada-hadallada horumarinta dib u heshiisiinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here