Gollaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo Cambaareeyay Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

0

NEW YORK – Inta badan xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si adag u dhaleeceeyay go’aanka Israa’iil ay ku aqoonsatay Somaliland, iyagoo ka digay in tallaabadaasi ay khatar ku tahay midnimada Soomaaliya isla markaana ay saameyn ballaaran ku yeelan karto xasilloonida gobolka, oo ay ku jiraan cawaaqib ku wajahan Falastiiniyiinta ku sugan Qaza.

 

Kulanka degdegga ah ee Golaha Ammaanka ayaa Isniintii lagu qabtay magaalada New York, kaddib markii Israa’iil noqotay dalkii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland, oo ah gobol iskiis ugu dhawaaqay dowladnimo balse Soomaaliya u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

14 ka mid ah 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ayaa muujiyay diidmo cad oo ku aaddan go’aanka Israa’iil. Mareykanka ayaa ahaa xubin kaliya oo aan si toos ah u cambaareyn tallaabadaas, balse wuxuu sheegay in siyaasaddiisa ku aaddan Somaliland aysan wax isbeddel ah ku iman.

Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay, Abukar Daahir Cusmaan, ayaa Golaha Ammaanka ka codsaday inay diidaan waxa uu ku tilmaamay “fal gardarro ah,” isagoo ka digay in aqoonsigaasi uu halis gelinayo midnimada Soomaaliya, isla markaana uu wiiqi karo xasilloonida Geeska Afrika iyo gobolka Badda Cas. Wuxuu sidoo kale muujiyay walaac la xiriira suurtagalnimada in arrintan lala xiriiriyo qorshayaal lagu doonayo in Falastiiniyiinta Qaza laga raro lana geeyo waqooyiga Soomaaliya.

“Meel ka dhacdan sharciga iyo anshaxa ee noocan ah waa in si degdeg ah loo joojiyaa,” ayuu yiri safiirka Soomaaliya.

Dhinaca kale, Mareykanka ayaa qirtay xaqa Israa’iil u leedahay inay la yeelato xiriir diblomaasiyadeed dalal kale, balse wuxuu carrabka ku adkeeyay in Washington aysan waxba ka beddelin mowqifkeeda rasmiga ah.

“Ma jiro wax ku dhawaaq ah oo ku saabsan aqoonsiga Mareykanka ee Somaliland,” ayay tiri Ku-xigeenka Safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobay, Tammy Bruce, iyadoo intaas ku dartay in siyaasadda Mareykanka ay siddeedii tahay.

Ku-xigeenka Safiirka Israa’iil ee Qaramada Midoobay, Jonathan Miller, ayaa difaacay go’aanka dalkiisa, isagoo sheegay in ujeeddadu aysan ahayn tallaabo cadowtinimo oo ka dhan ah Soomaaliya. Wuxuu sheegay in aqoonsiga loo arki karo fursad cusub, isla markaana uusan meesha ka saareyn wadahadal mustaqbalka dhex mara Soomaaliya iyo Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here