Gollaha Ammaanka ee QM oo ka shiraya xaaladda guud ee Soomaaliya

0

NEW YORK (SMN) – Dalalka katirsan Gollaha amaanka ee QM ayaa saacadaha soo aadan shir gaar ah ka yeelanaya xaalada Soomaaliya, waxaana warbixino ka siin doono ergayga QM Catriona Laing iyo Wakiilka Midowga Afrika, ahna madaxa ATMIS Mohamed El-Amine Souef.

 

Khudbada Ergayga QM Catriona Laing ee Shirka Gollaha amaanka ayaa la filayaa inay diirada saarto arrimaha siyaasada, dhaqaalaha iyo amaanka dalka Soomaaliya iyo guulihii dhawaan dowlada ka gaartay deyn-cafinta, qaadista xayiraada hubka iyo ku biirista ururka bulshada Afrika.

Marka laga yimaado horumarada dalka uu sameeyay,  Soomaaliya waxa ay wajaheysaa caqabado dhowr ah. Catriona Laing waxa la filayaa inay u iftiimiso Gollaha Amaanka doodaha socda ee ku saabsan geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka iyo is-maandhaafka ku saabsan wax ka bedelka qodobada ku saabsan awood-qeybsiga iyo doorashada.

Bishii May 2023, Golaha Wadatashiga Qaran oo kulmiya madaxda dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah federaalka ayaa ku heshiiyay in qaabka dowladnimo laga beddelo habka baarlamaaniga ah loona gudbo hab madaxweyne lana qabto doorasho hal qof iyo hal cod ah, iyadoo laga guurayo qaabkii qabiilka ee 4.5-ka.

Ergayga QM waxaa laga yaabaa in uu carabka ku adkeeyo baahida loo qabo in dowladda Soomaaliya ay sameyso wadatashiyo ballaaran oo ka tarjumaya aragtida shacabka Soomaaliyeed iyo in la xaqiijiyo tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka.

Waxaa la filayaa in Shirka Gollaha amaanka looga hadlo Heshiiska Is-afgaradka ee ay kala saxiixdeen Itoobiya iyo Somaliland, oo Muuse Biixi 1-dii Jan. ugu saxiixay Abiy Ahmed 20-km oo badda Soomaaliya kamid ah, taasoo Xukuumadda Addis Ababa doonayso inay dekada iyo saldhig Ciidan ka dhisato.

Dowladda Soomaaliya ayaa diiday heshiiska is-afgaradka ah oo ay ku tilmaantay mid xad-gudub ku ah madax-bannaanideeda iyo wadajirkeeda dhuleed. Is-afgaradkan ayaa la saxiixay labo maalmood ka dib markii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Muuse Biixi Cabdi ay ku kulmeen dalka Jabuuti halkaasoo ay isku garteen in dib loo billaabo wadahadaladii labada dhinaca oo muddo toban sano ku dhow hakad ku jiray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here