Gollaha Ammaanka oo Cusboonaysiiyay Xayiraadaha Al-Shabaab

0

NEW YORK [SMN] – Gollaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si rasmi ah u kordhiyay oggolaanshaha wadamada xubnaha ka ah Qaramada Midoobay inay joojiyaan doon kasta oo sida hub sharci-darro ah ama dhuxul laga dhoofinayo Soomaaliya, xayiraaddan oo sii jiri doonta ilaa 13-ka Diseembar 2025.

 

Sidoo kale, Golaha ayaa dib u cusboonaysiiyay howlgalka Guddiga Khubarada ee taageera cunaqabateynta Al-Shabaab, taasoo shaqeyn doonta illaa 13-ka Jannaayo 2026.

Qaraarka tirsigiisu yahay 2776 (2025), oo ay si mideysan u ansixiyeen 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka, ayaa wuxuu dhigaya in “Dhammaan dowladaha ay qaadaan tallaabo kasta oo lagama maarmaan ah si looga hortago in Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee wax u dhimaya nabadda iyo amniga Soomaaliya ay helaan hub iyo rasaas.

Sidoo kale, Golaha Ammaanka wuxuu go’aamiyay in tallaabooyinkan aysan saameyn doonin hubka iyo qalabka ciidan ee loo gudbinayo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda, Booliska Soomaaliyeed, iyo Ciidanka Asluubta.

Wakiilada wadamo dhowr ah ayaa hadlay kadib codbixinta, iyadoo wakiilka Guyana—oo ku hadlayay magaca Algeria, Sierra Leone, iyo Soomaaliya—uu sheegay inay taageerayaan go’aanka Golaha Ammaanka maadaama ay muhiim u tahay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu ku baaqey in la qiimeeyo saameynta cunaqabateyntan si loo hubiyo inay ku habboon tahay taageeridda dadaallada dowladdu ay ku wiiqeyso awoodda Al-Shabaab.

Waxaa sidoo kale la soo dhoweeyay go’aanka lagu farayo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay inuu dib u eego xayiraadda hubka isla markaana Golaha Ammaanka la wadaago warbixin arrintaas la xiriirta 1-da Nofeembar 2025.

Wakiilada ayaa ugu dambeyn ku booriyay Golaha Ammaanka inuu sii wado taageeradiisa iyo fiiro gaar ah siiyo mudnaanta ay dowladda Soomaaliya muujisay inta lagu guda jiro qiimeynta la filayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here