MUQDISHO, Soomaaliya — Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay fadhi-gooda 12-aad ee kal-fadhiga 7-aad, oo uu shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).
Inta lagu guda jiray kulanka oo ay goobjooge ka ahaayeen 156 xildhibaan, ayaa lagu ansixiyay Hindise-sharciyeedka Nidaamka Lacag-bixinta Qaranka, iyadoo sidoo kale la akhriyay akhriyadii koowaad ee Hindise-sharciyeedka Dembiyada Galmada iyo Falalka Anshax-xumada Kale, iyo qaybin warbixin ah oo ku saabsan akhriyadii saddexaad ee wax-ka-beddelka Xeerka Ka-hortagga Budhcad-badeedda iyo Afduubka (Xeer Lr. 36 ee 30-kii Abriil, 1975).
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ku dhawaaqay natiijada codbixinta, isagoo sheegay in Hindise-sharciyeedka Nidaamka Lacag-bixinta Qaranka, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Maaliyadda, lagu ansixiyay 154 cod oo oggol iyo 2 cod oo diidmo ah, iyadoo aan la helin cid ka aamustay.
Sidoo kale, xubnaha Golaha Shacabka ayaa sameeyay akhriyadii koowaad ee Hindise-sharciyeedka Dembiyada Galmada iyo Falalka Anshax-xumada Kale, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka. Wasiiru-dowlaha Wasaaradda, Mudane Maxamed Cismaan Nasto, ayaa soo jeediyay warbixinta hordhaca ah ee hindisaha.
Intii doodda socotay, xildhibaano badan ayaa su’aalo ka keenay mabaadi’da guud ee hindisaha, sida uu ula jaan-qaadayo shareecada Islaamka iyo Dastuurka dalka, saamayntiisa dhaqaale, iyo muhiimaddiisa dhinaca ilaalinta xuquuqda bulshada.
Dhanka kale, Golaha ayaa la gaarsiiyay warbixinta akhriyadii saddexaad ee wax-ka-beddelka Xeerka Ka-hortagga Budhcad-badeedda iyo Afduubka, si loo sii dardar geliyo ka-hor-tagga dambiyada badda iyo amni-darrada xeebaha Soomaaliya.
Gebagebadii kulanka, Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa adkeeyay muhiimadda uu leeyahay Hindise-sharciyeedka Dembiyada Galmada iyo Falalka Anshax-xumada Kale, isagoo ku tilmaamay mid muhiim u ah ilaalinta karaamada iyo xuquuqda bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan haweenka iyo carruurta.
Guddoomiyuhu waxa uu ku amray in hindisaha loo gudbiyo Guddiga Baarlamaanka ee Xuquuqda Aadanaha, Haweenka iyo Arrimaha Bini’aadantinimada, si ay u diyaariyaan akhriyadiisa labaad iyo dood dheeraad ah oo ku saabsan.
Sheekh Aadan Madoobe ayaa ku nuux-nuuxsaday in Golaha 11-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya, isagoo la kaashanaya culimada Soomaaliyeed, uu ka go’an yahay in uu meel mariyo sharciyo ka hortaga dambiyada iyo tacaddiyada loo geysto haweenka Soomaaliyeed.




