Gollaha Shacabka oo Dardargelinaya Shuruucda Horyaalla

0

MUQDISHO, Soomaaliya – 27 Nofeembar 2025 — Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta shir guddoomiyey kalfadhiga 7-aad, kulankiisa sagaalaad ee Guddiga Joogtada, oo ka dhacay xarunta Villa Hargeysa.

 

Guddoomiye Madoobe, oo furay shirka, ayaa ammaanay guddiyada Golaha Shacabka dadaallada ay ku bixiyaan diyaarin iyo dardargelinta shuruucda hortaal golaha, iyo sidoo kale kulamada la xisaabtanka ah ee ay la yeeshaan wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda ee ay korjoogteynta ku leeyihiin.

Intii uu kulanku socday, Guddoomiyaha ayaa xubnaha Guddiga Joogtada uga warbixiyey shirkii Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EALA) ee dhawaan ka dhacay Kampala, Uganda.

Wuxuu sheegay in shirkaasi lagu doortay inuu noqdo guddoomiyaha shir guddoonka guddoomiyeyaasha baarlamaanada EALA, isla markaana Soomaaliya ay martigelin doonto shirka sanadlaha ah ee guddoomiyeyaasha baarlamaanada Bariga Afrika bartamaha sanadka 2026.

Kadib warbixinta Guddoomiyaha, xubnaha Guddiga Joogtada ayaa ka dhageystay guddi walba warbixin ku aaddan shuruucda yaalla iyo habraacyada u dhiman. Guddiga ayaa jadwaleyn iyo ajandeyn ku sameeyay qodobbada lagu qaban doono kulamada guud ee toddobaadka soo socda.

Ugu dambayn, Guddoomiye Madoobe oo shirka soo xiray ayaa ku boorriyay guddiyada Golaha Shacabka inay dardargeliyaan howlaha sharci dejinta ee horyaalla, si shuruucda muhiimka ah loogu gudbiyo fadhiyada Golaha, ayna u suurto gasho in baarlamaanku guto waajibaadka dastuuriga ah ee saaran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here