Gollaha Shacabka oo fadhi ka yeeshay Hindise Sharciyeed muhiim ah

0

MUQDISHO, Soomaaliya – Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan yeeshay ayaa akhrinta koowaad marsiiyay Hindise Sharciyeedka Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaana kulanka shir guddoominaayay Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

 

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo ay wehliyaan masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda ayaa mudanayaasha Golaha Shacabka faahfaahin ka siiyay Hindise Sharciyeedka Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed iyo muhiimada uu dalka u leeyahay.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa aragtidooda ka dhiibtay hindise sharciyeedkan, muhiimada uu leeyahay, iyagoo talooyinkooda ku biiriyay, waxaana Xildhibaanada qaar ay su’aalo ka keeneen qodobada ku jira hindise sharciyeedkan oo uu ka mid yahay magaca hindise sharciyeedka.

Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo kulanka soo xiray ayaa amray in hindise sharciyeedkan lagu wareejiyo guddiga ku shaqada leh si uu usoo diyaariyo akhrintiisa labaad dibna Golaha ugu soo celiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here