Gollaha Wasiiradda Soomaaliya oo ansixiyay Magacaabis cusub

0

Muqdisho, Khamiis, 2-da Oktoobar 2025 – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u ansixiyey magacaabista Mudane Maxamed Maxamuud Cabdulle inuu noqdo Xisaabiyaha Guud ee Dowladda, kaddib soo jeedin ka timid Wasaaradda Maaliyadda.

 

Mudane Maxamed ayaa leh khibrad ballaaran oo ku saabsan maamulka maaliyadda iyo nidaamka xisaabaadka guud ee dowliga ah, taas oo la filayo inay kaalin weyn ka qaadato hufnaanta iyo isla xisaabtanka hay’adaha dowladda.

Fadhiga Golaha Wasiirrada oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, waxaa sidoo kale lagu ansixiyay:

  • Istaraatiijiyadda Qaran ee ka hortagga qaraxyada macmalka ah (IEDs)
  • Heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan wada-tashiyo siyaasadeed oo u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Tajikistan

Intaa waxaa dheer, Golaha ayaa warbixino muhiim ah ka dhageystay hay’adaha ay khusayso, kuwaas oo la xiriiray:

  • Diiwaangelinta dadweynaha ee ku wajahan Aqoonsiga Qaranka
  • La-tashiyada bulshada ee ku aaddan dhameystirka Dastuurka Qaranka

Xukuumaddu waxay caddeysay sida ay uga go’an tahay horumarinta hannaanka maamulka maaliyadeed iyo xoojinta dowladnimada dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here