Goobaha ganacsiga Dhuusamareeb oo xiran kadib dilal ka dhacay magaaladaasi

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Xaaladda magaalada Dhuusamareeb ayaa maanta kacsan, kadib markii xalay magaaladaasi lagu dilay Sheekh Xasan Diirshe Cadde iyo Saciid Tahliil Maxamed oo ahaa ganacsato si weyn looga yaqaanay deegaanada maamulka Galmudug.

 

Labada marxuum ayaa waxaa toogtay maleeshiyaad hubeysan oo u dilay aano qabiil darteed, sida ay innoo xaqiijiyeen qaar kamid ah dadka deegaanka.

Sidoo kale waxaa falkan ka dhashay caro dadweyne, ayada oo saaka dibadbaxyo ay ka dhaceen gudaha caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb.

Waxaa sidoo kale xiran goobaha ganacsiga, waxbarashada iyo waddooyinka, sababa la xiriira xaaladda kacsanaanta ee ka jirta halkaasi.

Dhanka kale, Galmudug ayaa sheegtay in weli ay waddo howlgallo ay ku baadi goobeyso raggii ka dambeeyay dhacdadaasi, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

Dhacadadan ayaa daba socota dagaal beeleed dhowaan ka qarxay deegaanka Xananbuure ee gobolka Galgaduud, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac intaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here