Guddiga Arrimaha Gudaha ee BFS oo kulan la yeeshay Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Gudaha

0

Muqdisho, 9 Noofambar 2025 — Guddiga Arrimaha Gudaha, Dib-u-Heshiisiinta, Arrimaha Federaalka iyo Xiriirka Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan muhiim ah ku yeeshay xafiiskooda, iyaga oo ku casuumay masuuliyiin ka socday Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta, oo uu hoggaaminayay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda, Mudane Cabdikariin Xasan Ashkir, iyo xubno kale oo ka tirsan wasaaradda.

 

Kulanka oo ay guddoomisay Guddoomiyaha Guddiga, Senator Deeqa Xasan Xuseen, ayaa diiradda lagu saaray arrimaha la xiriira Sharciga Dad-Dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah, kaas oo hadda maraya heerar sharci-dejin ah oo muhiim u ah maamulka iyo adeegyada bulshada.

Mas’uuliyiinta Wasaaradda ayaa looga codsaday inay bixiyaan faahfaahin iyo fasiraad dheeraad ah oo ku saabsan qodobada muhiimka ah ee sharcigan, iyo sidoo kale inay ka jawaabaan su’aalo iyo talooyin ay xubnaha guddigu soo jeediyeen si loo hubiyo in sharcigu waafaqsan yahay danaha shacabka iyo nidaamka dowladnimada.

Inta lagu guda jiray kulanka, Wasiir Ku-xigeenka iyo wafdigiisa ayaa si faahfaahsan uga jawaabay dhammaan su’aalihii iyo aragtiyihii ay xubnaha guddigu keeneen, iyagoo carrabka ku adkeeyay sida Wasaaraddu uga go’an tahay hirgelinta nidaam hufan oo lagu diiwaan-geliyo xaaladaha madaniga ah ee dalka.

Kulanka ayaa kusoo dhammaaday isfaham iyo wada-tashi ku saleysan sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta ka dhaxeysa Guddiga iyo Wasaaradda, si loo dardargeliyo geeddi-socodka sharciyada muhiimka ah ee la xiriira maamulka iyo tirakoobka muwaadiniinta Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here