Guddiga Doorashooyinka oo bilaabaya diiwaangelinta codbixiyeyaasha Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF) ayaa si rasmi ah u shaaciyay in diiwaangelinta codbixiyeyaasha degmooyinka caasimadda Muqdisho ay bilaaban doonto 15-ka Abriil 2025, iyadoo la rajeynayo in doorashooyinka golayaasha deegaanka ee Muqdisho la qabto 30-ka Juun 2025.

 

Doorashadan ayaa noqon doonta tii ugu horreysay muddo dhowr iyo toban sano ah oo ay shacabka Muqdisho si toos ah u doortaan hoggaankooda deegaanka, arrintaas oo loo arko horumar weyn oo ku wajahan dimoqraadiyeynta iyo daahfurnaanta maamulka magaalada.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka, Marwo Khadro Aadan Yoonis, oo shir jaraa’id ku qabatay Muqdisho, ayaa sheegtay in hawsha diiwaangelinta ay socon doonto muddo dhowr toddobaad ah, iyadoo laga bilaabayo dhammaan 17-ka degmo ee magaalada.

Waxay sheegtay in doorashadu tahay mid muhiim u ah xaqiijinta matalaad dhab ah oo shacabka Muqdisho ay ku yeeshaan maamulka hoose.

“Waxaan u aragnaa in doorashooyinka golaha deegaanka ee Muqdisho ay noqon doonaan tusaale wanaagsan oo horseedi kara in laga hirgeliyo nidaamka doorashada tooska ah guud ahaan dalka,” ayay tiri Marwo Khadro.

Hindisahan doorashada ayaa salka ku haya heshiis la gaaray sanadkii hore oo dhexmaray madaxda dowladda federaalka iyo qaar kamid ah dowlad-goboleedyada, kaasi oo lagu dejiyay in doorashooyin dadweyne laga hirgeliyo heer degmo, bilow ahaanna laga bilaabo caasimadda. Si kastaba ha ahaatee, labada maamul goboleed ee Puntland iyo Jubbaland kama qaybgelin wadahadaladii horseeday heshiiskaasi, waxayna horey u muujiyeen walaac iyo shaki ku saabsan qaabka loo wajahayo geeddi-socodka doorashooyinka dalka.

Sidoo kale, dowladda Federaalka ayaa sheegtay in doorashadan ay tahay tillaabo lagu muujinayo in dalka uu ku socdo dariiqii dimuqraadiyadda, iyadoo sidoo kalena laga hortagayo jahawareer siyaasadeed oo ku yimaada maamulada hoose.

Doorashadan la filayo bisha Juun ayaa imanaysa xilli dalka uu wajahayo caqabado amni, dhaqaale iyo siyaasadeed, balse dowladda iyo guddiyada doorashooyinka ayaa rajo ka muujinaya in hirgelinta nidaamka codbixinta tooska ah uu dhidib u aasi doono hanaan doorasho oo joogto ah.

Waa markii ugu horreysay tan iyo burburkii dowladdii dhexe 1991-kii oo dadka Muqdisho ay heli doonaan fursad ay ku doortaan mas’uuliyiinta maamulkooda degmada—tallaabo loo arko inay astaan u tahay dib-u-dhiska hay’adaha dowliga ah iyo kalsoonida shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here