Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo soo saaray liiska degmooyinka Doorashooyinka Golaha Deegaanka

0

Muqdisho – Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa si rasmi ah ula wadaagay shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan ururrada siyaasadda liistada saxda ah ee degmooyinka ay ka qabsoomi doonaan doorashooyinka Golaha Deegaanka ee dowlad-goboleedyada dalka.

 

Guddigu waxa uu sheegay in jadwalkii hore ee la shaaciyey uu ku jiray qalad farsamo intii lagu guda jiray diyaarinta liistada degmooyinka, waxaana si khalad ah loogu daray degmada Galdogob oo ka tirsan Puntland, halkaas oo doorashada Golaha Deegaanka horey uga dhacday 25-kii May 2023.

Sidaas darteed, Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa caddeeyay in degmada Galdogob aysan ku jirin jadwalka cusub iyo liistada degmooyinka ee doorashooyinka Golaha Deegaanka ee hadda la shaaciyey.

Guddigu wuxuu sidoo kale xaqiijiyay hufnaanta, daahfurnaanta iyo u hoggaansanaanta sharciga doorashooyinka dalka, isagoo ka cudur daaranaya qaladka farsamo ee dhacay.

May be an image of ‎newspaper and ‎text that says "‎الصومال المستقلة Ku: Ururrada Siyaasadda Ujeeddo: Wargelin ku saabsan Bilowga Ololaha Doorashada iyo soo gudbinta Liiska Murashaxiinta Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) soo gebagabeeyey dhammaan safarradii deegaanada Waqooyi Bari. Guddiga Madaxa-Bannaan idinku wargelinayaa hubinta golayaasha dowlad goboleedyada Koonfur-Galbeed, Hirshabeelle, Galmudug Iyadoo fulinayo jadwalka rasmiga codsanayaa buuxda rasmi hoggaansamaya doorashooyinka, ururrada siyaasadda waxaa bilaabaan ololahooda doorashada, xeerarka Degmooyinka laga qaban doono doorashada goleyaasha deegaanka waxay DAWLAD GOBOLEED Koonfur Galbeed DEGMOOYINKA Baydhabo, Baraawe, Berdaale Afgooye, Wanlaweyn, Buur-Hakaba, Diinsoor, Xudur, Jawhar, Beledweyne, Matabaan, Warsheekh, Cadale, Jalalaqsi, Balcad, Mahadaay Hobyo, Gaalkacyo, Caabudwaaq, Xeraale, Ceeldheer, Balanbale, Bari Cadaado, Xarardheere, Guriceel Xudun, Taleex iyo Buuhoodle.‎"‎‎May be an image of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here