Guddiga Maaliyadda ee BFS oo bilaabay kulamo la xisaabtan ah + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Guddiga maaliyadda Iyo miisaaniyadda ee labada Aqal BJFS ayaa kulan la qaatay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu wehliyo xisaabiyaha guud ee Qaranka.

 

Kulanka oo uu shir guddoominayay xoghayaha guddiga miisaaniyadda, maaliyadda qorsheynta Iyo la xisaabtanka hay’addaha dowladda ee Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdulqaadir Xuseen Cabdi Uurdoox waxa ay xubnaha guddiga Wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda Iyo xisaabiyaha guud ay su’aalo ka weydiiyeen xisaabxirkii sanadkii 2022.

Sidoo kale guddiga maaliyadda Iyo miisaaniyadda labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka ayaa kulan la qaatay hanti dhowrka guud ee Qaranka oo ay ka wada hadleen arrimaha xisaab xirkii sanadkii 2022.

Xubnaha guddiga ayaa su’aalo ku saabsan xsaabxirkii ku dhamaaday 31-kii bishii December 2022 weydiiyay hanti dhowrka ee Qaranka, waxaana dhankiisa uu ka jawaabay su’aalaha xubnaha guddiga ay weydiinayeen.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here