Guddiyada Dib-u-eegista Dastuurka Oo Dhameystiray Cutubyadii Harsanaa

0

Muqdisho – Guddiyada loo xilsaaray dib-u-eegista Dastuurka Qaranka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo gabagabeeyay cutubyadii harsanaa ee Dastuurka, kaddib kulan saacado badan qaatay oo ay yeesheen.

 

Xubnaha gudiyada ayaa si qoto dheer uga falanqeeyay una dhammeystireen cutubyada kala ah: Cutubka 10aad ee Shaqaalaha Rayidka ah, Cutubka 11aad ee Nidaamka Maaliyadda Guud, Cutubka 12aad ee Difaaca iyo Amniga Qaranka, iyo Cutubka 13aad ee Qodobbo Guud.

Cutubyadan la dhammeystiray ayaa hadda loo gudbin doonaa Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya si ay u gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah una ansixiyaan, loona dhammeystiro geeddi-socodka dib-u-eegista Dastuurka.

Si kastaba ha ahaatee, arrintan ayaa waxaa ka taagan doob xoogan oo ka dhexeeya mucaaradka, oo ay ka mid yihiin Puntland iyo Jubaland, kuwaas oo qaar ka mid ah qodobbada dib-u-eegista ka soo horjeeda.

Tallaabooyinka xiga ee Baarlamaanka ayaa muhiim u ah ansixinta dhamaystiran ee Dastuurka Qaranka, iyadoo la rajeynayo in geeddi-socodkan uu horseedo xasillooni siyaasadeed iyo mid bulsho oo waarta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here