Guddiyada Miisaaniyadda Labada Aqal ee Baarlamaanka oo ka dooday Xisaab-xirka Miisaaniyadda 2024

0

Muqdisho — Guddiyada Miisaaniyadda ee labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadajir ah ku yeeshay xarunta Aqalka Sare, iyagoo ka dooday Xisaab-xirka Miisaaniyadda sanadka 2024-ka, taasoo qeyb ka ah waajibaadkooda dastuuriga ah ee kormeerka iyo hubinta maamulka maaliyadda qaranka.

 

Kulanka waxaa si wadajir ah u shir guddoominayay Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda Aqalka Sare, Senator Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhegdheer), iyo Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka, Xildhibaan Cabdi Ibraahim Warsame (Qowdhan).

Intii uu socday kulanka, guddiyadu waxay jadwaleeyeen shaqada iyo howlaha horyaalla ee la xiriira dib-u-eegista xisaab-xirka, waxaana sidoo kale la soo bandhigay dulmar guud oo ku saabsan warbixinta Xisaab-xirka Miisaaniyadda 2024-ka.

Guddiyadu waxay go’aansadeen in loo yeero Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Xisaabiyaha Guud ee Qaranka, si ay uga jawaabaan su’aalo la xiriira xisaab-xirka miisaaniyadda iyo fulinta qorshihii maaliyadeed ee sannadka.

Mas’uuliyiinta Baarlamaanka ayaa xusay in dadaalladan ay qayb ka yihiin xoojinta isla xisaabtanka iyo hufnaanta maaliyadeed ee dowladda, si loo hubiyo in dhaqaalaha qaranka si mas’uuliyad leh loo maareeyo, loona waafajiyo qodobbada Dastuurka iyo shuruucda dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here