Guddoomiyaha Aqalka Sare oo la kulmay safiirka dalka Sacuudiga

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Fedraalka Somaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Almuwallad.

 

Guddoomiyaha iyo safiirka ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka soo jireenka ah iyo iskaashi ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya, isgagoo uga mahad celiyay kaalinta walaaltinimo ee boqorotooyadu ugu jirto shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed

Dhankiisa Safiirka, ayaa guddoomiyaha ugu hambalyeeyay howlaha baaxadda leh ee u qabsoomay Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka iyo guulihii kala duwanaa ee ay gaartay Dowladda Soomaaliya, sida la dagaalanka aragaxisada, ku biiritaankii Soomaaliya ee Bulshada Bariga Afrika, dayn cafinta iyo ansaxinta afarta cututb ee ugu horraysay Dastuurka KMG ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here