MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa magacaabay guddi gaar ah oo ka kooban 5 xubnood, kadib warqad kasoo baxday xafiiskiisa.
Aadan Madoobe ayaa guddigan u xil-saaray kasoo talabixinta heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran oo ay xukuumaddu usoo gudbisay Golaha Shacabka Soomaaliya.
Sidoo kale guddigan ayaa waxaa la faray inuu warbixin kusoo celiyo golaha, gaar ahaan guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Halkan hoose ka aqriso:-