Guddoomiyaha cusub ee Hey’adda Qaxootiga oo maanta xilka la wareegtay

0

MUQDISHO (SMN)  – Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa maanta xilka u kala wareejiyay marwo Safiyo Xasan Maxamed, Guddoomiyaha cusub ee Hey’adda Qaxootiga Qaranka iyo guddoomiyihii hore ee hey’adda guddoomiyaha cusub ee Hey’adda Qaxootiga Qaranka.

 

Mudane Ahmed Moallim Fiqi,  ayaa kula dardaarmay guddoomiyaha cusub marwo Safiyo dardargelinta shaqada hey’addan muhiimadda u leh qaranka, isaga oo sidoo kale ku ammaanay guddoomiyihii hore marwo Aamina howlihii ay soo qabteen.

June 8, 2023, Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ansixiyay hoggaanka cusub ee hey’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka kadib markii ay soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here